HomeDiasporaItoobiya oo ka cabanaysa masar

Itoobiya oo ka cabanaysa masar

Sahan Media Muqdisho: Masar ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka wadda Geeska Afrika oo u muuqda inay la mid tahay ka go’doominta Itobiya ee badda cas, arrintan ayaa ku soo aadaysa warbixin toddobaadle ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa diblumaasiyadeed ee Itoobiya oo uu ka hadlay afhayeenka WAD Nebiyat Getachew.

Masar waxa ay gobolka ka samaynaysaa dhaqdhaqaaq u muuqda in ay go’doominayso Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ma aha wax ku cusib waxa socda.

Hadalkan ayaa yimid maalmo ka dib markii wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdelatty iyo wafdi uu hoggaaminayo uu kula kulmay Asmara madaxweyne Isaias Afeworki. Sida xogta aan kuhelayno waxaa lakala saxiixday heshiis ku saabsan amaanka badda cas.

Labada dal ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen in amniga badda cas ay mas’uul ka yihiin dowladaha ku xeeran badda iyaga oo ku macneeyay in aysan Itoobiya cag soo dhigi karin dhulkaas.

Itobiya waxay ku andacoonaysay in gelitaanka Badda Cas ay tahay arrin jiritaankeeda ku xiran marka laga eego dhinaca ammaanka iyo dhaqaalaha.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxayay warbixin sheegaysa in Mareykanka uu wado dadaalo uu ku dhexdhexaadinayo Eritrea iyo Itoobiya maadaama labada dal ay qarka u saaran yihiin dagaal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Gedion Timotheos, ayaa ku sugnaa Washington D.C todobaadkii hore. Wuxuu la kulmay Marco Rubio. Qodobada ay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa amniga gobolka. Waaxda ma aysan shaacin wax macluumaad dheeraad ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in heshiis ay labada dal kala saxiixdeen oo uu ku jiro dhanka amniga.

Masar ayaa heshiisyo uu ku jiro mid difaac kula saxiixanaysay dhowr waddan oo deris la ah Itobiya. Eritrea lafteedu waxay heshiis difaac la gashay Soomaaliya .

Dhowr bilood ka hor, Masar waxay heshiis horumarinta dakadaha ah la saxiixatay Djibouti, iyada oo la ogyahay in Itoobiya ay ku tiirsan tahay Jabuuti ganacsigeeda soo dejinta iyo dhoofintaba.

Marka la eego cadaawadda jirta, waxaa jirta aragti ah in joogitaanka Masar ee Jabuuti ay khatar amni ku tahay Itoobiya ayuu yiri afhayeenka WAD ee Itobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments