Sahan Media Muqdisho: Aston Villa ayaa soo afjartay 30-kii sano ee ay ku jirtay abaarta iyadoo goolal cajiib ah oo ay kala dhaliyeen Youri Tielemans iyo Emiliano Buendia ay 3-0 kaga badiyeen Freiburg finalka Europa League ee Istanbul.

“Habeen cajiib ah!! Hambalyo aad u weyn dhammaan ciyaartoyda, kooxda, shaqaalaha iyo qof kasta oo ku xiran kooxda 44 sano ayaa laga joogaa dhadhankii ugu dambeeyay ee koobabka Yurub!” boqorka Wales ayaa wax yar ka dib ku qoray baraha bulshada.
Waxa kale oo uu si gaar ah u ammaanay khadka dhexe ee dhaawacan Boubacar Kamara, kaas oo uu sheegay in uu yahay mid “muhiim ah” oo “ka caawiyay kooxda in uu dhidibada u taago guushan”.

Jilaaga Hollywood-ka Tom Hanks, oo ah taageere kale oo caan ka ah Villa, ayaa ku biiray xafladda, isagoo fariin nasiib wacan u diray kooxda ka hor inta aysan bilaaban.
Guushii Europa League ayaa hoosta ka xariiqday dib u soo kabashada cajiibka ah ee Villa tan iyo markii Emery uu la wareegay shaqada Oktoobar 2022, iyadoo kooxdu ay seddex dhibcood oo keliya ka sarreyso heerka labaad.
Emery ayaa ugu baaqay ciyaartoydiisa iyo madaxda kooxda inay la jaanqaadaan rabitaankiisa ah inuu Villa ku sii hayo tartanka koobabka.
“Waan sii xoogeysaneynaa, laakiin waxaan isku dayeynaa inaan sii wadno horumarkaas, sanadka soo socda waxaan ciyaari doonaa Champions League, Premier League waa kan ugu adag adduunka waana caqabada nagu soo socota.

“Waa wax cajiib ah, Yurub waxay na siisay wax badan aad ayaan ugu mahadcelinayaa abaabulayaasha ciyaaraha Yurub tartan kasta, laakiin gaar ahaan Europa League, “ayuu yiri tababaraha Isbaanishka.


