HomeWararka MaantaMadaxweynaha Puntland Siciid Deni oo gaaray Addis una gudbaya UAE

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo gaaray Addis una gudbaya UAE

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar aan si rasmi ah loo shaacin ku tagay Addis Ababa ugana sii gudbi doona dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Sida wara aan la faahfaahin sheegayaan madaxweyne Deni ayaa looga yeeray imaaraadka carabta oo ah wadan xiriir dhow la leh maamul-goboleedyada qaarkood. Madaxweyne Deni ayaa hadda jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya oo uu uga sii gudbi doono dalka Imaaraadka Carabta, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin muddada uu safarkiisu qaadan doono.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro arrimo siyaasadeed oo ay ugu horreeyso xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya , Soomaaliland, doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Muqdisho iyo wadatashiyo ku saabsan xaaladda guud iyo marxaladda kala guurka ah ee dalka galay, xilli uu khilaaf xooggan ka dhex taagan yahay DFS iyo mucaaradka.

Madaxweyne Deni ayaa hore dhowr jeer safarro noocan oo kale ah ugu tagay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo qaarkood qaatay muddo dheer islamarkaana aan si buuxda loo faahfaahin ajandayaashooda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments