HomeWararka MaantaISllllL oo cabsi ka muujisay heshiiska xadidan ee Iran iyo USA

ISllllL oo cabsi ka muujisay heshiiska xadidan ee Iran iyo USA

Sahan Media Muqdisho: Is’iil ayaa ka cabsi ka muujisay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu galo heshiis xaddidan kaas oo ka tagaya arrimaha muhiimka ah ee la xiriira barnaamijka Nukliyeerka Tehraan oo aan la xallin, wargeyska Haaretz ayaa sidaas sheegay isagoo soo xiganaya ilo aan la magacaabin oo Isiiel ah.

Wargeysku waxa uu sheegay in walaaca Is”iil ay salka ku hayso suurtagalnimada in Washington ay riixdo heshiis xaddidan oo ka fogaanaya in wax laga qabto arrimaha muhiimka ah ee ku xiran barnaamijka Nukliyeerka Iran, oo ay ku jiraan ka saarida kaydka Yuraaniyaamka Iran ee tayaysan, ka hortagga tayeynta mustaqbalka iyo wax ka qabashada barnaamijka gantaallada ballistic-ga ee Iran.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in hay’adda amniga Isiil ay rumeysan tahay in Iran ay “hakineyso” kooxda wada xaajoodka ee Mareykanka, halka fursadaha lagu gaari karo isfaham ballaaran oo ku saabsan feylka Nukliyeerka ay weli hooseyso.

Warbixintu waxay ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan calaamadaha muujinaya in Washington iyo Tehraan ay ku dhow yihiin heshiis is afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, in kasta oo ay harsan yihiin kala duwanaanshiyaha la xiriira uranium-ka la tayeeyay iyo hababka fulinta ee ugu dambeeya.

Warbaahinta ayaa sheegtay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu kulan dhanka amniga ah la yeelan doono madaxda isbaheysiga dowladda iyadoo ay sii kordheyso dareenka Israa’iil ee ku aaddan xiriirka Mareykanka iyo Iiraan.

Horaantii Sabtidii, Trump wuxuu sheegay in heshiis lala galo Iran “in si weyn looga wada xaajooday,” isagoo intaa ku daray in faahfaahinta ugu dambeysa aysoo bixi doonto mar dhaw.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments