HomeWararka MaantaSoomaali looga shakisan yahay afduub markab shidaal

Soomaali looga shakisan yahay afduub markab shidaal

Sahan Media Muqdisho: Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), oo la socota dhacdooyinka amniga ee gobolka, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay afduubka markabka. Waxay sheegtay in koox hubeysan la wareegeen markabka.

Markabku, oo la sheegay in laga leeyahay Bakistaan, ayaa waday shixnad shidaal ah. Mas’uuliyiintu ma shaacin tirada ama jinsiyadaha shaqaalaha markabka.

Waxaa sii kordhayay walaac laga qabo dhaqdhaqaaqyada burcad-badeednimada ee ka soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, taasoo keentay cabsi laga qabo khataro sii kordhaya oo ku wajahan maraakiibta ganacsiga ee marra mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan adduunka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda afduubka markabka, mas’uuliyiinta Soomaaliyana weli ma aysan shaacin wax hawlgal badbaadin ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments