Sahan Media Muqdisho: Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba haween ah oo Soomaali ah oo degan Minnesota, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin khiyaano lala xiriirta barnaamijka Autism-ka.
Shamso Ahmed Hassan iyo Hanaan Mursal Yusuf ayaa loo haystaa inay soo gudbiyeen lacago been abuur ah oo gaaraya in ka badan $46 milyan, halka ay sidoo kale ay lunsadeen ilaa $21 milyan oo ka mid ah lacagtaas, sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha federaalka.
Sida ku xusan dukumentiyada maxkamadda, labada haween ayaa ka shaqeynayay barnaamij caafimaad oo lagu taageero carruurta qabta Autisiimka. Intii u dhaxeysay May 2020 ilaa Disembar 2024. Waxaa la sheegay inay soo gudbinayeen biilal been ah iyo adeegyo aan jirin, isla markaana adeegyada qaar ay bixiyeen shaqaale aan u qalmin.
Xeer-ilaaliyeyaasha Maraykanka waxay sidoo kale sheegeen in qoysaska loo ballanqaaday lacago dhiirrigelin ah oo u dhaxeysay $300 ilaa $1,500 bishii si carruurtooda loogu diiwaangeliyo nidaamka.
Xeer ilaalintu waxay kaloo sheegtay in lacagta lagu lunsaday sida sharci-darro ah loo isticmaalay hanti iibsi iyo xawilaado lacageed oo loo diray Kenya, sida lagu sheegay eedeymaha xeer ilaalinta.
Sidoo kale kiiskan ayaa ku jira 15 eedeysane oo la xiriira waxa xeer-ilaaliyeyaashu ku tilmaameen mid ka mid ah khiyaanadii ugu ballaarneyd ee taariikhda barnaamijka autism-ka, iyadoo khasaaraha guud lagu qiyaasay in ka badan $90 milyan.


