HomeWararka DibaddaHogaamiyihii hore ee Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi oo geeriyooday

Hogaamiyihii hore ee Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi oo geeriyooday

Sahan Media tv: Madaxwaynihii hore ee Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi, oo ka cararay xabsi guri ay ku hayeen fallaagada Xuutiyiinta, sannadihii u dambeeyayna ku qaatay Sacuudi Carabiya ayaa geeriyooday sida ay sheegtay madaxtooyada Yemen.

TV-ga dowladda Yemen ay maamusho ayaa sheegay in Hadi uu ku dhintay da’da 80-sano maalintii Khamiista ee magaalada Riyadh, ee caasimadda Sacuudiga, balse ma uusan bixin faahfaahin kale.

Haadi waxa uu ahaa madaxweynihii Yemen ee caalamku aqoonsanaa oo hoggaaminayey dawlad burbursan oo inta badan dibad joog ahayd siddeed sannadood ka hor intii aanu xilka ka degin 2022.

Rashad al-Alimi, madaxa Golaha hay’adda hoggaaminta ee dawladda Yemen ee caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ayaa sheegay in Haadi uu aaminsan yahay in dadka Yemen “xaq u leeyihiin dawlad caddaalad ah oo ku dhaqda xorriyadda iyo sharafta aadanaha”.

“Wuxuu horseeday dagaalka lagu difaacayo nidaamka jamhuuriyadda,” al-Alimi ayaa ku yiri X.

Dawladdu waxay ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq ah, iyadoo inta lagu guda jiro calanka hoos loo dhigayo.

Haadi ayaa u qaxay Sacuudiga sanadkii 2015-kii xiligaasi oo dagaal uu ka dhex qarxay Xuutiyiinta ay Iran taageerto, kuwaasi oo dowladda ku qasbay inay ka baxaan caasimadda Sanca iyo xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo.

Waxa uu awoodiisa ku wareejiyay – sida la sheegay Golaha Hoggaaminta Madaxweynaha ee dhawaan la sameeyay April 2022, iyadoo Yemen ay gashay xabad joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay.

Yemen ayaa weli u kala qaybsan waqooyiga oo ay Xuutiyiintu maamulaan iyo koonfurta oo ay dawladdu maamusho.

Inkasta oo xabbad joojinta ay si weyn u socoto, haddana dagaalku wuxuu dilay boqolaal kun oo qof sababo toos ah iyo mid aan tood ahaynba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments