Sahan Media Muqdisho: Maxamed Yuusuf, oo ah darawal Soomaali-Maraykan ah kana shaqaynayay shirkadda gaadiidka ee Uber, ayaa dhaawacyo culus ka soo gaaray weerar habeenkii Sabtida, 14-ka November, lagula beegsaday magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota, Maraykanka.
Booliska ayaa sheegay in darawalka laga helay isagoo dhaawac daran qaba meel u dhow isgoyska waddooyinka Hopkins Crossroad iyo Minnetonka Boulevard, kaddib markii ay heleen warbixin ku saabsan gaari laga shakiyay abbaare 1:20 habeenimo.
Qoyska Maxamed ayaa sheegay in weerarku billowday kaddib markii rakaabkii gaariga saarnaa uu weydiiyay magaciisa, wuxuuna markii uu ugu jawaabay “Maxamed” uu ninkaasi muujiyay caro, kaddibna uu gadaal ka ceejiyay.
Sida ay qoyska sheegeen, weeraryahanku wuxuu markii dambe la wareegay gaariga, isaga oo dhowr jeer ku jiiray Maxamed.
Wiilka Maxamed, Mustaf Cismaan, ayaa warbaahinta The Somali Brief u sheegay in aabbihii dhowr jeer gaariga lagu jiiray. Dhanka kale, ina-adeerkiis Cabdulnaasir Cali ayaa sheegay in markii dambe laga helay isagoo ku jira god ku yaalla meel qiyaastii hal mayl u jirta waddada.
Maxamed ayaa la sheegay inuu ka soo gaaray jabniin labada lugood iyo feeraha ah, dhaawac dhanka laf-dhabarta ah iyo burbur ku yimid sambabada, iyadoo sidoo kale ay jiraan dhaawacyo gudaha ah. Waxaa la dhigay xarunta caafimaadka Hennepin Medical Center, halkaas oo uu weli ku jiro kooma, sida ay qoyskiisu sheegeen.
Qoyska ayaa tuhunsan in weerarku la xiriiri karo nacayb ku salaysan asal ahaan Soomaalinimadiisa ama diintiisa, iyaga oo ku baaqay in si dhab ah loo baaro sababta ka dambaysay falka.
Booliska magaalada Hopkins ayaa sheegay inay wadaan baaritaan, isla markaana ay gacanta ku dhigeen qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerarka, kaas oo laga helay meel u dhow goobta uu falku ka dhacay. Si kastaba, boolisku weli si rasmi ah uguma aqoonsan dhacdada dembi nacayb ku salaysan.
Dhacdadan ayaa dhalisay falcelin ka timid siyaasiyiin iyo ururro bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota ka shaqeeya. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in aanay jirin cid ay tahay inay cabsi ku noolaato sababo la xiriira aqoonsigeeda.
Sidoo kale, xubin ka tirsan Aqalka Senate-ka gobolka Minnesota, Cumar Faatax, ayaa dalbaday baaritaan degdeg ah oo hufan, isaga oo sheegay in Maxamed uu ahaa inuu qoyskiisa la joogo, halkii uu noloshiisa ugu dagaallami lahaa isbitaal.
Shirkadda Uber ayaa sheegtay inay ka argagaxday faahfaahinta weerarka, waxayna xaqiijisay inay ka mamnuucday qofka lagu eedeeyay falka adeegsiga barnaamijkeeda, iyadoo ballanqaadday inay booliska kala shaqaynayso baaritaanka.
Dhanka kale, qoyska Maxamed ayaa bilaabay olole dhaqaale loogu ururinayo bogga GoFundMe, si looga caawiyo kharashaadka daaweyntiisa iyo baahiyaha qoyskiisa. Sida lagu sheegay xogta ololaha, deeqaha la ururiyay ayaa dhaafay 140,000 oo dollar.
Booliska ayaa weli wada baaritaanka si loo xaqiijiyo waxa sababay weerarka iyo in uu lahaa ujeeddooyin nacayb ku salaysan.


