Sahan Media Muqdisho: Aqalka hoose ee Mexico ayaa ansixiyay wax ka bedelka dastuurka si loogu ogolaado in la baabi’iyo doorashada kiisaska faragelinta shisheeye, cabirka dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in ay wiiqi karto kalsoonida hanaanka doorashada iyo abuurista wadooyin cusub oo loogu tartamo natiijooyinka sharciga ah.
Hindisahan ayuu meel mariyay golaha wakiilada, waxaana ogolaatay 307 mudane, waxaa diiday 128 mudane, halka hal mudane uu ka aamusay.
Waxay ku dari doontaa faragelinta shisheeye liiska sababaha lagu sheegi karo doorasho sharci darro ah.
baabi’inta doorashadan wax isbadal kuma samayn doonto doorashooyinka federaalka ee soo socda ee Juun 2027, baabi’intan doorashada waxay u baahan tahay ansixinta Senate-ka si uu u dhaqan galo.
Isbadalkan ayaa faragelinta shisheeye ku qeexday “maalgelin sharci darro ah, dacaayad, faafin nidaamsan oo war-farin ah, wax-is-daba-marin, iyo faragelinta dawladaha ama hay’adaha shisheeye”.
Waxa kale oo ay ka hadlaysaa falalka cadaadiska siyaasadeed, dhaqaale, diblomaasiyadeed, ama warbaahineed ee loogu talagalay in lagu badalo ra’yiga dadweynaha.
Ricardo Monreal, oo ah hogaamiyaha xisbiga talada haya ee Morena ee aqalka hoose, ayaa difaacay tallaabadan inay tahay ilaalinta lagama maarmaanka u ah dimuqraadiyadda Mexico, isagoo ku dooday in loo baahan yahay ilaalin adag oo dastuuri ah si looga hortago in jilayaasha shisheeye ay qaabeeyaan natiijooyinka doorashada.
“Ka dib in ka badan 30 saacadood oo shaqo ah, annagoo ah aqalka hoose ee Mexico, waxaanu ansixnay dib-u-habayn lagu xoojinayo nidaamkayaga doorashada, doorashooyinka garsoorka iyo madaxbannaanida dimuqraadiga ah ee Mexico.” ayuu yiri Ricardo Morel.


