Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii xiray Masjidka Ibrahimi ee loogu talagalay dadka muslimiinta ah ee ku cibaadeysanaya, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.
Hammam Abu Marakhia, oo ah ku-simaha agaasimaha masjidka oo ku yaal magaalada Hebron ee daanta galbeed, ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay xireen goobta subaxnimadii Jimcaha “ilaa amar dambe” ayna ku qasbeen waardiyayaashii, ilaalada, shaqaalaha iyo dadkii cibaadeysanayay inay ka baxaan.
Waxa uu ku tilmaamay tillaabada mid xadgudub bareer ku ah masjidka iyo xuquuqda ay Muslimiinta u leeyihiin in ay galaan goobaha cibaadada.
Abu Marakhia ayaa intaa ku daray in ciidamada Israa’iil ay xoojiyeen xannibaadaha hareeraha goobtaasi, isla markaana ay xireen baraha kontorool ee ciidamada iyo albaabada elegtarooniga ah ee laga soo galo masjidka.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Falastiin ayaa cambaareysay xiritaanka, iyadoo ku tilmaantay mid toos ah oo lagu weerarayo xaqa ay Muslimiinta u leeyihiin inay galaan goobahooda barakeysan.
War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayay ku sheegtay in tallaabadani ay ka tarjumayso siyaasadda Israa’iil ee socota ee looga gol leeyahay in lagu beddelo heerka diineed iyo taariikheed ee masaajidka.
Masjidka Ibrahimi waxa uu ku yaalaa magaalada qadiimiga ah ee Hebron, oo ah meel ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada Israel halkaas oo ilaa 400 oo Israa’iiliyiin ah ay ku nool yihiin oo ay ilaaliyaan ku dhawaad 1,500 askari oo Israel ah.
Sannadkii 1994-kii, Israa’iil waxay qaybisay dhismaha masjidka, waxayna 63% u qoondaysay dadka Yuhuudda ah ee ku cibaadaysanaya, halka 37% ay u qoondaysay Muslimiinta.
Xiritaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda ka taagan Daanta Galbeed ee la haysto, halkaas oo weerarrada, xariga iyo weerarada millatari ee Israa’iil ay kordheen tan iyo markii uu billowday dagaalka Qaza Oktoobar 2023.
Sida laga soo xigtay Falastiiniyiinta, ciidamada Israel iyo dadka la dejiyay ayaa dilay 1,168 falastiiniyiin ah, dhaawacay 12,666 kale, ku dhawaad 33,000 oo qof ayaa la barakiciyay, sidoo kale 23,000na waxay ku xireen Daanta Galbeed tan iyo markaas.


