HomeWararka MaantaCiidamada Laftagareen oo soo galay Baydhabo iyo booliska gobolka oo ka jawaabay

Ciidamada Laftagareen oo soo galay Baydhabo iyo booliska gobolka oo ka jawaabay

Sahan Media Muqdisho: Ciidamo taabacsan Madaxweynihii xoogga looga saaray deegaamada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft-gareen ayaa saaka gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha Muhiimka ah ee dhaca Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulkaasi.

Ciidamadaan oo isugu jirey kuwa horay ugu diyaarsanaa gudaha Magaalada iyo kuwa ka soo ruuqaansaday duleedka Baydhabo ayaa sawirro looga qaaday aagagga muhiimka ah ee Magaalada sida Afar-irdoodka oo ay ka agdhawyihiin xarumo dowladeed.

Kadib dagaalo goos goos ah oo ka dhacay gudaha Baydhabo ayey ciidanka Lafta-gareen ka bexeen Magaalada iyagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo maxaabiis ay ka qabsadeen ciidanka dowladda Somalia oo dhawaan la wareegey Magaalada Baydhabo, halka saraakiisha dowladduna soo bandhigeen gaadiid iyo maxaabiis ay sheegeen inay dhinaca Lafta-gareen ka qabsadeen.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed ee gobolka Baaya, Sadiiq Duushisho oo warbaahinta dhawaan kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay dagaalkii saaka.

“Saaka maydadkooda iyo dhaawacyadooda ayaa meel walba yaala, oo ilaa iyo hadda aan guraynaa”, ayuu u sheegay warbaahinta isaga oo ka hadlayay ciidamadii saaka soo weeraray magaalada Baydhabo.

Ma uusan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawac midna iyo in dhanka ciiadamada dowladda qasaare soo gaaray intaba.

Dhanka ciidamada daacadda u ah Laftagareem, kama aysan hadlin qasaare ka soo gaaray dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments