HomeWararka DibaddaICE iyo dibad baxayaal isfara saaray

ICE iyo dibad baxayaal isfara saaray

Sahan Media Muqdisho: Dibad-baxayaal ka bilaabay dibadbax ayaa waxay isku dhaceen Booliiska Gobolka New Jersey bannaanka hore ee Delaney Hall ee dadka lagu hayo oo ku dhaw Newark, iyadoo mudaaharaadyada looga soo horjeedo fulinta sharciga socdaalka Mareykanka ayaa isu bedalay rabshado, sida ay sheegtay warbaahintu.

In ka badan 200 oo qof ayaa isugu soo baxay bannaanka xarunta, halkaas oo kooxaha ka soo horjeeda ICE iyo kuwa taageera ICE ay isugu soo urureen maalintii oo dhan.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay iska horqaadeen biro ku hareeraysanaa xarunta lagu hayo. Ciidamada booliiska oo gadoodsan ayaa goobta dhigay sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana ay u dhaqaaqeen sidii ay dadka u kala eryi lahaayeen.

Askartii taagnayd ayaa markii dambe la daad gureeyay iyadoo qaar ka mid ah mudaaharaadayaashu ay dhagxaan iyo dhalooyin ku tuurayeen ciidanka ICE, halka qaar kalena ay ku booriyeen in loo hoggaansamo amarada booliiska.

Iska horimaadka ayaa daba socday mudaaharaad ku dhawaad ​​toddobaad ah oo ka socday Hall Delaney, oo ay ku jirto dhacdo Isniintii la soo dhaafay dhacday oo Senetarka Mareykanka Andy Kim lagu soo wariyay in sunta dadka ka ilmeysiisa ay ku buufiyeen wakiilada socdaalka intii uu socday mudaaharaadka.

Xabsigan oo ah mid si gaar ah loo leeyahay ayaa sidoo kale noqday halka lagu dhaleeceeyo maxaabiista oo qaarkood lagu soo waramayo in ay cunada ka soomeen sababta oo ah wax ay ku tilmaameen tayada cuntada oo aad u liidata iyo daryeel caafimaad oo aan ku filneyn.

Maamulka Trump ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna ku eedeeyay dibadbaxayaasha inay ku kaceen falal anshax xumo ah iyo weeraro ay ku hayaan saraakiisha sharciga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments