HomeWararka MaantaMaxaa ka jira heshiiska uu sheegaay Trump ee Xisbullah iyo Islllll?

Maxaa ka jira heshiiska uu sheegaay Trump ee Xisbullah iyo Islllll?

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Xisbullah iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen in ay joojiyaan colaadda si ay u sameeyaan dadaal weyn oo lagu dejinayo coladda ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu amar ku bixiyay in la weeraro xaafadaha koonfureed ee Beirut Isniintii.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada Beirut ay sii socon doonaan haddii Hezbollah ay sii wadaan weerarada ay ku hayaan magaalooyinka Israa’iil, halka hawlgallada militari ee koonfurta Lubnaan ay u sii socon doonaan sida “qorsheysan”.

Xaalada ayaa waxaa sii cakiray digniino kasoo baxay Iran. Madaxa wada xaajoodka Tehraan Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in Iran ay joojin karto wada xaajoodyada ay la leedahay Mareykanka haddii ololaha militariga Israel ee Lubnaan uu sii socdo.

Sidoo kale milatariga Israa’iil ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay qabteen laba madfac oo laga soo tuuray Lubnaan oo galay dhulka Israa’iil, taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo xaaladda.

Hezbollah ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerar kasta oo ka dhacay xadka tan iyo markii uu Trump ku dhawaaqay xabadjoojinta. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegatay weeraro ka dhan ah ciidamada Israel oo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Tani waxay muujinaysaa sida uu u jilicsan yahay heshiiskani. Usbuucii la soo dhaafay waxaan aragnay kor u kaca weerarada Israel.

Inkasta oo millatarigu uu leeyahay gacan ku hayn dheeraad ah oo uu si qoto dheer u galay Koonfurta Lubnaan hadana ciidanka Israa’iil ayaa la kulmay weerarro keenay dhimasho iyo dhaawacyo ugu yaraan laba askari ayaa lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay aagga Beaufort Castle, oo ah meel istaraatiiji ah oo buur ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments