HomeWararka DibaddaHoos u dhaca kalsoonida dowladda federaalka ma xoojinayaa doodaha ay Somaliland ku...

Hoos u dhaca kalsoonida dowladda federaalka ma xoojinayaa doodaha ay Somaliland ku raadineyso aqoonsi caalami ah?

Sahan Media Muqdisho: Alexis Mohamed Gueldon oo ah siyaasi mucaarad Jabuutiyaan ah ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu wiiqay kalsoonidii nidaamka federaalka dalka, isagoo sheegay in siyaasadaha khalafsan ee dowladda federaalka ay sii xoojiyeen khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Gueldon ku sheegay in wax-ka-beddellada dastuurka, murannada siyaasadeed iyo xiriirka sii xumaanaya ee dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay dhaawaceen sumcadda nidaamka federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in tallaabooyinkan ay hoos u dhigeen kalsoonidii siyaasadeed iyo tan hay’adaha dowladda, taasoo uu ku tilmaamay arrin sii adkaynaysa dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Geeldoon ayaa xusay in khilaafka u dhexeeya Dowaladda iyo Puntland uu ka mid yahay tusaalooyinka muujinaya kala aragti duwanaanshaha ku saabsan habka maamulka iyo awood-qaybsiga dalka.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in murannada siyaasadeed ee daba dheeraaday ay abuureen shaki ku saabsan xasilloonida iyo hufnaanta hay’adaha dowladda federaalka, taasoo saameyn ku yeelatay kalsoonida ay shacabka iyo beesha caalamku ku qabaan dowladda Federaalka.

Siyaasigan mucaaradka ah ayaa tilmaamay in inkastoo Mareykanku weli si rasmi ah u aqoonsan yahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, haddana uu sii ballaarinayo wada-shaqeynta uu la leeyahay Somaliland dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

Wuxuu sheegay in xiriirradaas sii kordhaya ay muujinayaan sida qaar ka mid ah daneeyayaasha caalamiga ah ay u raadinayaan fursado kale oo ay kula shaqeeyaan Somaliland, iyagoo ka jawaabaya xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya.

Geeldoon ayaa ugu dambeyn ku dooday in hoos u dhaca kalsoonida siyaasadeed iyo tan hay’adaha dowladda federaalka uu si aan toos ahayn u xoojiyay doodaha ay Somaliland ku raadineyso aqoonsi caalami ah, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay dib u soo celiso wada-shaqeynta iyo kalsoonida ka dhexeysa heerarka kala duwan ee dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments