HomeWararka MaantaGaadiidkii beebayaasha casriga ah oo lagu gubay Muqdisho

Gaadiidkii beebayaasha casriga ah oo lagu gubay Muqdisho

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha amniga caasimadda ay sameeyeen howlgal amni oo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo kooxo hubeysan oo sida ay sheegtay ku lug lahaa weerarro hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Guriga uu Madaxweyne hore Sheekh Shariif ka deggan yahay agagaarka Miranaayo ayaa weli laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyadoo ay weli dhinacyadu isku horfadhiyaan goobihii shalay ilaa xalay lagu dagaalamay, sida ay werisey warbaahinta goob joogga ka ah dagaalka.

Muuqaalo la soo duubay ayaa muujinaya gaadiidka dagaalka gaar ahaan nooca loo yaqaan Beebbaha oo ku gubtey agagaarka guriga Sheekh Shariif, ayna goobta uga tageen ciidamada dowladda federalka ah ee Somalia.

Ciidanka Dowladda oo hogaaminaayo Taliyaha NISA Ee Gobolka Banaadir Liibaan Gacamey Ayaa Gudaha u galey gurigii Reysulwasaare Hassan Ali Kheyre si ay banaanka uga soo saaraan Odoyaasha dhanka oo uu kamid yahey Ugaas Guud Ee Beesha Murusade.

Kadib ciidanka dowladda federalka ah ee Somalia ayaa bilaabay inay dib uga baxaan qaar kamid ah goobihii dagaalku ka socdey galabnimadii shalay ilaa aroortii hore ee saaka, sida ay muujinayaan muuqaalo la soo duubay.

Goobaha ciidanku ka gurteen waxaa kamid ah agagaarka guriga Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre oo dagaal kharaar ka dhacay, waxaana ciidanka dib loogu celiyey fariisimadii ay ka soo bexeen gelinkii dambe ee shalay.

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo mucaaradka inay si dhaqso ah ku joojiyaan dagaalka ayna yeeshaan wadahadalo xal loogu raadinayo xiisadda colaadeed ee soo cusboonaatay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments