HomeWararka MaantaMarkab EU NavFor Operation Atalanta ayaa oo isha ku haya burcadbadeedda haysata...

Markab EU NavFor Operation Atalanta ayaa oo isha ku haya burcadbadeedda haysata MT Honor 25.

Sahan Media Muqdisho: Burcad badeedda ayaa mar kale ka soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya. Doonyo ganacsi oo waaweyn ayaa la beegsaday bilihii April iyo May, iyadoo maraakiib iyo shaqaalihii la socday qaarkood loo haystay madaxfurasho. Xarunta Warfaafinta ee Wadajirka ah ee Macluumaadka Badaha iyada oo ka jawaabaysa, waxay sare u qaaday qiimeynteeda khatarta budhcad-badeednimada inay ‘aad u daran tahay’.

Si loo joojiyo falalka burcad badeednimada ah ee ka soo cusboonaaday xeebaheeda, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah waa in ay si degdeg ah wax uga qabtaan waxa sii wada dembiga. Taas waxaa ka mid ah kalluumeysiga sharci-darrada ah, aan lagu soo wargelin, kaas oo khatar ku ah nidaamka deegaanka, dhaqaalaha iyo qaabka bulshada ee dadka xeebaha daggan. Burburka hab-nololeedyada ku tiirsan badaha oo leh fursado dakhli oo kala duwan ayaa u muuqda in qaar badan ay ka tagayaan faqriga ama ay u dhaqaaqaan burcad badeed si ay u helaan nolol.

Dhowr weerar oo dhacay dhamaadkii 2025 ayaa durba walaac dhaliyay. Dabaylaha Monsoonka waqooyi-bari ee Diisambar ilaa Maarso, ayaa xaddidaya awoodda burcad-badeedda in ay ka hawlgalaan meelo fog fog. Dhacdooyinkan waxa ay kordheen inta lagu guda jiro Abriil ilaa Maajo, markaas oo dabaysha iyo dhererka hirarku ay hooseeyaan.

2-dii Maajo, markabka saliidda qaada ee Eureka ayaa lagu qabtay isagoo maraya biyaha Yemen. Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in burcadbadeedda ay ka soo duuleen deegaan xeebeedka fog ee u dhow gacanka Cadan ee magaalada Qandala. Waxaa la sheegay in ay dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah, xilli ay markabka iyo shaqaalihii la socday ay ku hayeen meel u dhow Puntland.

Afduubkan ayaa ka dhacay meel aad uga fog xeebaha Soomaaliya, taasoo muujineysa xiriirka heerka wanaagsan ee labada kooxood ee burcad badeedda iyo xuutiyiinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments