HomeWararka MaantaMadaxa UN-ka oo ka walaacsan wararka sheegaya rabshadaha ka socda caasimadda Soomaaliya

Madaxa UN-ka oo ka walaacsan wararka sheegaya rabshadaha ka socda caasimadda Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku sugan Soomaaliya in ay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan falalka sii hurin kara rabshadaha ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qalalaase ay ka dhaceen caasimadda Muqdisho.

“Xoghayaha guud wuxuu ka walaacsan yahay wararka ku saabsan rabshadaha Muqdisho,” ayuu afhayeenkiisa Stephane Dujarric ku yiri hadal uu soo saaray.

Dujarric ayaa sheegay in Guterres uu hoosta ka xarriiqay “Baahida degdegga ah ee dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay dib u billaabaan wada-hadallada si loo ogaado dariiqa horay loogu sii socon lahaa si looga fogaado in laga laabto horumarka laga arkay Soomaaliya ilaa iyo hadda, iyo sidoo kale xaqiijinta ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka.”

“Xoghayaha Guud wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, lagana fogaado ficil kasta oo hurin kara rabshado kale, laguna xalliyo khilaafaadka siyaasadeed wadahadal,” ayaa lagu daray qoraalka.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu soo xigtay digniin ka soo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo lagu sheegay in howlgalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay marar badan ka digeen khatarta ka dhalan karta qalalaasaha siyaasadeed oo soo cusboonaaday.

UNTMIS waxay sheegtay in digniinahaas aan la dhegaysan.

“Howlgalka Qaramada Midoobay waxa uu ku boorrinayaa dhammaan madaxda Soomaalida in ay mudnaanta siiyaan danta qaranka ayna dib u billaabaan wada-hadalladii dhammaaday 15-kii May. Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxa ay diyaar u yihiin in ay fududeeyaan wada-hadalladan oo kale,” ayaa lagu yiri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments