HomeWararka MaantaEquatorial Guinea oo la keenay qaxooti laga soo masaafuriyay USA

Equatorial Guinea oo la keenay qaxooti laga soo masaafuriyay USA

Sahan Media Muqdisho: Isbahaysi caalami ah oo qareeno ah ayaa dacwad u gudbiyay hay’adda ugu sareysa ee xuquuqda aadanaha ee Afrika iyagoo doonayay in ay hor istaagto masaafurinta Equatorial Guinea qaxooti laga keenay Mareykanka.

Dacwadda Jimcihii laga gudbiyay Equatorial Guinea ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha iyo Dadweynaha ee Afrika ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaysa waxa loogu yeero “waddanka saddexaad” oo ah Equatorial Guineaoo ku yaal Galbeedka Afrika iyo maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Marka loo eego siyaasadda, Mareykanka wuxuu u musaafurin karaa Equatorial Guinea shaqsiyaadka aan si ammaan ah loogu diri karin dalalkooda. Dhaqankan ayaa si weyn loo cambaareeyay in dadka loo soo tarxiilo dalalka ay xuquuqdooda liidato oo aysan wax xiriir ah la lahayn, inta badana aysan ku hadlin luqadda.

Waxaa loo gudbiyay Dacwada 14 qof oo la tarxiilay. Waxay ka mid ahaayeen qaar weli lagu hayo Equatorial Guinea iyadoo la raacayo shuruudo “gaar ah oo uu ku jiro xarig sharci darro ah oo aan xad lahayn”, sida lagu sheegay eedda.

Lix ka mid ah dadka dacwadooda loo gudbiyay ayaa si qasab ah looga soo celiyay Equatorial Guinea usbuucii la soo dhaafay, inkastoo ay muujiyeen cabsi ay ka qabaan cadaadis ama jirdil, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqul insaanka ee matalaya.

Saddex ka mid ah dadkaas ayaa dib loogu celiyay Equatorial Guinea ka dib markii dalalkoodii ay diideen inay aqbalaan. Qareenada ayaa sheegay inay waayeen xiriirkii ay la lahaayeen saddexda kale.

Qareenadan waxa ay ka mid ahaayeen kooxaha fadhigoodu yahay Maraykanka ee Asian Americans Advancing Justice, Global Strategic Litigation Council iyo EG Justice, oo ay weheliyaan Gambia’s Institute for Human Rights and Development in Africa iyo Pan African Lawyers Union oo fadhigoodu yahay Tanzania.

Cabashada waxay codsanaysaa in guddiga, oo qiimeeya u hoggaansanaanta xuquuqda Axdiga Afrika, in la joojiyo dib u celinta dheeraadka ah iyo in la dammaanad qaado in dadka la tarxiilay ay galaangal u yeeshaan qareenno, iyo tallaabooyin kale oo ku meel gaar ah.

Guddiga fadhigiisu yahay Gambia ayaa dhageysan kara kiiska ama u gudbin kara Maxkamadda Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dadka, ee fadhigeedu yahay Tanzania.

Ilaa 32 qof ayaa loo malaynayaa in loo tarxiilay Equatorial Guinea tan iyo sannadkii hore, sida ay sheegtay AFP, laakiin wadarta guud lama oga.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa warbixinteeda 2024 ee xuquuqul insaanka, ku soo xigatay “warbixino lagu kalsoonaan karo” oo ah ” jirdil ama naxariis darro, bini’aadantinimada ka baxsan, ama sharaf dhac” laga sameeyay gudaha Equatorial Guinea, iyo kuwo kale oo muhiim ah “arrimaha xuquuqda aadanaha”.

Maamulka Trump, oo abaabulay musaafurinta ballaaran, ayaa difaacay masaafurinta “waddan saddexaad” inay tahay mid sharci ah oo qayb ka ah istaraatiijiyadooda “si loo joojiyo sharci-darrada, socdaalka ballaaran iyo xoojinta amniga xuduudaha Mareykanka”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments