HomeWararka MaantaFifa oo ka jaawaabtay arrimaha garsoore Cartan

Fifa oo ka jaawaabtay arrimaha garsoore Cartan

Sahan Media Muqdisho: INFANTINO: “Waan ka xumahay wixii ku dhacay garsoore Cumar Cartan”

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka Gianni Infantino ayaa shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday garsoore Cumar Cartan, isagoo taabanayay caqabadaha dhanka dal-ku galka ee ka jira Mareykanka.

Gianni ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay wixii ku dhacay garsooraha Soomaaliyeed Omar Abdulkadir Artan, balse FIFA aysan awood u lahayn inay maamusho ama go’aan ka gaarto arrimaha ay gacanta ku hayaan dowladaha iyo hay’adaha amniga.

“Dabcan, waan ka xunnahay wixii ku dhacay garsooraha soomaaliyeed (Cumar Cartan) balse ma awoodno inaan wax walba xakameyno, waan isku dayi doonaa, waan ka doodi doonaa, waan ka hadli doonaa, waana arki doonaa” ayuu yiri Infantino.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka inay muujiyaan degganaan iyo dulqaad si xal loogu helo xaaladaha noocan oo kale ah.

“Mararka qaar waxaa wanaagsan in la is dejiyo, waxaan si joogto ah uga shaqeynaa sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira”

“Hadii xaaladda jirta qeylo dhaan & caro looga falceliyo mararka qaar waxay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagu raadinayo xal wax ku ool ah”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments