Sahan Media Muqdisho: Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in maalintii labaad ee hawlgallada la soo gabagabeeyay. Hawlgalladan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay in Tehran ay waqti badan ku qaadanayso gaarista heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.
Iran waxay sheegtay in saldhigyada ciidamada Maraykanka ee ku yaalla Baxrain iyo Kuwait la weeraray. Maalin ka hor, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen saldhigyadan.
Bayaan kasoo baxay IRGC ayaa lagu sheegay in 18 ah qalabi militari oo muhiim ah oo Maraykan leeyahay lagu weeraray laguna burburiyay saldhigyada cirka ee Ali Al Salem, saldhigga Ahmad al-Jaber ee Kuwait, iyo saldhigga ciidanak cirka ee Sheikh Isa e Baxrayn.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashadan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Waxaa xusid mudan in tan iyo markii ay billowdeen weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, Tehran ay sheegtay inay beegsatay xarumo ku yaalla Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Kuwait, Iraq, Jordan, Baxrayn iyo Cuman.
Sida ay qabaan qaar ka mid ah falanqeeyayaasha, tirada saldhigyada la bartilmaameedsaday waxay gaari kartaa 28.
Intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee u dhexeeyay Iran iyo Israa’iil bishii June ee sannadkii hore, Iran waxay sidoo kale weerartay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Al Udeid ee Qatar.


