HomeWararka MaantaKhudbadda Xasan Sheekh ee taabanaysay S/land

Khudbadda Xasan Sheekh ee taabanaysay S/land

Sahan Media Muqdisho: Soomaaliya waxay wadahadal ka dooratay inay awood u adeegsato Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalku ay muddo dheer doorbideysay wadahadal iyo isu soo dhowaansho siyaasadeed halkii ay adeegsan lahayd awood ciidan, isagoo aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland ku tilmaamay dhacdo dhaawac ku ah midnimada Soomaaliya.

Wareysi uu bixiyay, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haysatay laba waddo oo kala ah in xoog lagu wajaho arrinta Somaliland ama in wadahadal lagu raadiyo xal waara.

“Waxaan doorannay wadahadalka, inkastoo uu qaatay waqti dheer. Waxaan aaminsanahay in qancinta iyo wada hadalku ay ka wanaagsan yihiin iskahorimaad iyo dagaal,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan waligeed xiriir rasmi ah la yeelan Israa’iil, isla markaana mowqifkeedu uu ku saleysan yahay taageerada qadiyadda Falastiin iyo xalka laba dowladood.

Madaxweynaha ayaa xusay in isbeddellada ka socda Bariga Dhexe iyo loollanka juqraafi-siyaasadeed ee gobolka ay sabab u noqdeen in Israa’iil dan gaar ah ka raadiso meelo istiraatiiji ah oo Geeska Afrika ka tirsan.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Israa’iil iyo Somaliland, Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabadaasi aysan u horseedi doonin aqoonsi caalami ah Somaliland, balse ay abuuri karto xiisado cusub oo gobolka saameeya.

“Dadka raadinaya aqoonsiga muddo dheer ayay sugayeen, balse waxaan aaminsanahay in waddadan aysan keenayn natiijada la filayo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan dooneyn in dalka laga dhigo goob ay ku loolamaan quwadaha shisheeye, isagoo ka digay in khilaafaadka gobolka loo soo raro gudaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments