Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ogolaaday in xayiraada laga qaado 24 bilyan oo doolar oo hantida Iran ah isagoo ka fogaanaya inuu si cad u xaqiijiyo arrintan, sarkaal sare oo Iran ah ayaa sheegay Jimcihii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.
Mohsen Rezaei, oo ah lataliyaha sare ee hogaamiyaha ugu sareeya Iran, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad xusuus ah oo ka dhacday magaalada Dezful ee Koonfur-galbeed.
Sida laga soo xigtay warbixinta, Rezaei wuxuu sheegay in colaadda Iran iyo USA ee dhawaanta ay “kor u qaadday” mawqifka waddanku ku leeyahay caalamka, isagoo ku andacoonaya in awoodda wax-ka-hortagga ee waddanku ay gaartay heer Trump uu rabo inuu la xaajoodo Tehran.
Waxa kale oo uu ku dooday in siyaasadda Maraykanku ay si sii kordheysa u qaabaysay saamaynta Israel, isaga oo sheegay in Maraykanku si wax ku ool ah u noqday “gumeysi.
Hadalka Rezaei ayaa daba socday wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi oo jimcihii sheegay in heshiis is afgarad ah oo la soo jeediyay uu la leeyahay Mareykanka uu si rasmi ah u soo afjari doono colaadda dhinac kasta oo ay ku jirto Lubnaan, isla markaana u gogol xaareysa wada xaajoodka ka hortagga cunaqabateynta.
Dhanka kale, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa Jimcihii sheegay in Maraykanku uu filayo inuu saxiixo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Iran “maalmaha soo socda”, iyadoo la filayo in heshiiska uu horseedo burburinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.


