Sahan Media Muqdisho: Dowladda Waxay Diyaar u Tahay Wadahadal Siyaasadeed oo lala Galo Mucaaradka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay weli ka go’an tahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabbada dowladda ay mar walba u furan yihiin wada xaajood lala yeesho dhinacyada mucaaradka.
Wareysi uu siiyay Dawan TV ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer taageero ka heshay beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, balse wuxuu xusay in go’aannada siyaasadeed ee dalka ay tahay in ay Soomaalidu iyadu ka tashato.
“Beesha caalamku way nala soo shaqeysay sanado badan, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo taageerada dib-u-dhiska dowladnimada, laakiin siyaasadda Soomaaliya waxaa go’aaminaya Soomaalida,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay dooratay siyaasad ku saleysan in arrimaha gudaha lagu xalliyo gudaha dalka, halkii shirar iyo wada-hadallo dibadda lagu qaban lahaa sida marar hore dhacday.
Isagoo ka hadlayay xiriirka dowladda iyo mucaaradka, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu weli rumeysan yahay in xal siyaasadeed la gaari karo haddii dhinacyadu sii wadaan wada hadallada.
“Fursad mar walba way jirtaa. Dowladda Federaalka albaabbadeedu way furan yihiin, waxayna diyaar u tahay inay wada hadal gasho ilaa xal la gaarayo,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay baaqii ka yimid madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Mohamed, ee ku saabsanaa martigelinta wada xaajoodka dhinacyada siyaasadda. Xasan Sheekh ayaa sheegay inuusan helin codsi rasmi ah oo arrintaas la xiriira, balse uu xusay inuu xiriir iyo wada hadal joogto ah la leeyahay madaxda hore ee dalka.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafaadka ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.


