Jubbaland oo Hakisay Xiriirkii Kala Dhexeeyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya
Sahan Media Kismayo: Ururka Kubadda Cagta Jubbaland (JUFA) ayaa ku dhawaaqay inuu si ku-meel-gaar ah u hakiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF), isagoo ku eedeeyay xiriirka qaran inuu gabay waajibaadkii saarnaa ee taageerada iyo horumarinta kubadda cagta heer gobol.
War-saxaafadeed kasoo baxay JUFA ayaa lagu sheegay in muddo laba sano ah aysan helin taageeradii iyo adeegyadii ay ka filayeen Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jiraan maalgelinta horyaallada heerarka kala duwan, tababarrada garsoorayaasha iyo macallimiinta, kharashaadka safarrada ciyaaraha, horumarinta ciyaaraha dugsiyada iyo taageerada xarumaha kubadda cagta ee Jubbaland.
Ururka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waxa uu ku tilmaamay faragelin uu Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ku hayo maamulka kubadda cagta ee heer gobol, arrin uu sheegay inay dhaawacayso madax-bannaanida iyo habsami-u-socodka maamulka ciyaaraha.
JUFA waxay sheegtay in tallaabadan ay salka ku hayso ilaalinta mabda’a isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo sinnaanta ay tahay inuu ku shaqeeyo xiriirka qaran, iyadoo ku adkaysatay in go’aanka hakinta uu sii jiri doono ilaa laga helo xal waara oo wax looga qabanayo cabashooyinka ay soo bandhigtay.
Ururka Kubadda Cagta Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha kubadda cagta Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha Kongareeska Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada, hufnaanta iyo horumarinta ciyaaraha dalka.
Inkastoo uu hakiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay SFF, JUFA ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo kubadda cagta Jubbaland iyo taageerada ciyaartoyda, garsoorayaasha, macallimiinta iyo dhammaan bahda kubadda cagta ee maamulka.


