HomeWararka MaantaCirro oo gaaray Israa’iil

Cirro oo gaaray Israa’iil

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa gaaray Israa’iil, isagoo bilaabay booqasho rasmi ah oo si weyn isha loogu hayo, taas oo lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee madaxweyne Somaliland ah uu ku tago israel.

Sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil, booqashada Madaxweyne Cirro ayaa waxaa ku jira kulamo heer sare ah oo uu la yeelanayo madaxda ugu sarreysa Israa’iil, oo ay ku jiraan Madaxweynaha dalka Isaac Herzog, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar.

Jadwalka booqashada ayaa sidoo kale waxaa ku jira furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, tallaabo loo arko mid xoojin karta xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu booqdo qabriga Theodor Herzl, oo loo aqoonsan yahay aasaasaha dhaqdhaqaaqa Sahayuuniyadda casriga ah, iyo sidoo kale xarunta Yad Vashem ee lagu xuso xasuuqii Yuhuudda intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay taagan yihiin doodaha la xiriira dadaallada Somaliland ee ku aaddan raadinta aqoonsi caalami ah. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan sheegay in xiriir dhow oo Somaliland la yeelato Israa’iil uusan horseedi doonin aqoonsi rasmi ah, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan wax natiijo ah laga filan karin.

Ilaa hadda, maamulka Somaliland iyo dowladda Israa’iil si rasmi ah ugama aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan natiijooyinka laga filayo booqashada, balse socdaalka ayaa durba noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments