HomeWararka MaantaCiidamada Booliska Caabudwaaq oo xiray nin lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga khamriga

Ciidamada Booliska Caabudwaaq oo xiray nin lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga khamriga

Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Booliska degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inay xireen nin lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa ka ganacsiga maandooriyaha khamriga, kadib howlgal amni oo laga fuliyay degmada.

Ninka la xiray oo lagu magacaabo Farxaan Jaamac Cilmi ayaa la sheegay in lagu qabtay howlgalka kaddib markii ciidamada ammaanku heleen xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyo la tuhunsan yahay inay ku saabsan yihiin ganacsiga khamriga.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta booliska, eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta hay’adaha ammaanka, waxaana socda baaritaanno lagu xaqiijinayo eedeymaha loo jeediyay.

Booliska ayaa intaas ku daray in marka la soo gabagabeeyo baaritaanka, kiiska loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee ay khuseyso arrintan.

Taliska Booliska degmada Caabudwaaq ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay sii wadaan la shaqeynta ciidamada ammaanka, isla markaana ay la wadaagaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ilaalinta amniga iyo xasilloonida degmada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments