HomeWararka MaantaWaa sidee xaaladda shidaalka Soomaaliya?

Waa sidee xaaladda shidaalka Soomaaliya?

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Turkiga siisay saddex ka mid ah 12 xirmo oo ku yaalla xeebaha dalka kuwaas oo loo qorsheeyay sahminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Wareysi uu siiyay Dawan TV, madaxweynaha ayaa sheegay in xirmooyinka haray loo qoondeeyay shirkado caalami ah oo reer Galbeed ah, hase yeeshee mid ka mid ah shirkadahaasi ay dib uga laabatay heshiisyadii ay haysatay kadib markii ay sheegtay inay la daalaa dhacayso awood la’aan dhinaca maalgelinta ah.

Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay Turkiga saaxiib muhiim ah oo muddo dheer garab taagnaa Soomaaliya, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay iskaashi muuqda oo dhinacyo badan leh.

“Turkiga wuxuu ka mid yahay dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya, waxaana naga dhexeeya xiriir istaraatiiji ah,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Turkiga siiso fursado dheeraad ah oo dhinaca tamarta ah haddii ay jirto danayn iyo maalgashi cusub.

Madaxweynaha ayaa xusay in sahminta shidaalka iyo gaaska ay qayb ka tahay qorshaha dowladda ee lagu soo jiidanayo maalgashiga shisheeye, laguna xoojinayo koboca dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo dib-u-dhiska hay’adaha amniga iyo dowladnimada, isagoo tilmaamay in horumarka amniga uu laf-dhabar u yahay dadaallada lagu gaari karo xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhaqaale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments