Sahan Media Muqdisho: Ardeydi ugu badneeyd oo maanta u fadhiistay imtixaanaadka shahaadiga Dugsiga dhexe ee G.Banaadir
Muqdisho – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Isniintii si rasmi ah u bilaabay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe, iyadoo in ka badan 46 kun oo arday ay sanadkan u fariisteen imtixaanka ka socda degmooyinka gobolka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daah-furay imtixaanka, kaas oo ay ka qaybgelayaan 46,225 arday oo ku kala galaya 125 xarumood oo imtixaan.
Mas’uuliyiinta waxbarashada gobolka ayaa sheegay in la diyaariyay qorshe lagu sugayo amniga iyo habsami-u-socodka imtixaanka, iyadoo xarumaha lagu kordhiyay adeegyo caafimaad iyo gurmad degdeg ah.
Tirada ardayda imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 24,717 wiil iyo 21,508 gabdhood, sida lagu sheegay xogta ay soo saareen maamulka waxbarashada gobolka.
Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cali Maxamed, ayaa sheegay in sanadkan la qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu taageerayo ardayda baahiyaha gaarka ah qaba si ay u helaan fursado waxbarasho oo loo siman yahay.
Duqa Muqdisho ayaa dhankiisa ardayda u rajeeyay guul, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu sii wadi doono abaalmarinta iyo dhiirrigelinta ardayda kaalmaha sare ka gasha imtixaannada.
Sanadkan ayaa sidoo kale markii ugu horreysay waxaa imtixaanka ka qaybgalaya arday reer Suudaan ah oo waxbarasho ka dhigta Muqdisho, arrintaas oo maamulka gobolka ku tilmaamay mid ka tarjumaysa doorka ay caasimaddu ka qaadanayso taageeridda waxbarashada dadka dalka ku soo barakacay iyo qoysaska magangelyo-doonka ah.


