Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii ku dhawaaqay in la dhameystiray heshiiskii Iran, wuxuuna sheegay inuu fasaxayo dib u furista marin biyoodka Hormuz iyo in meesha laga saaro go’doominta ciidamada badda Mareykanka.
“Heshiiska Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran hadda wuu dhammaaday, hambalyo dhammaantiin!” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.
“Waxaan halkan si buuxda u fasaxayaa in lacag-la’aanta lagu furo marin-biyoodka Hormuz, isla-markaana, waxaan oggolaaday in si degdeg ah meesha looga saaro xannibaadda ciidamada badda ee Mareykanka,” ayuu raaciyay.
Trump ayaa sidoo kale tilmaamay dib u soo celinta taraafikada badda iyo shixnadaha tamarta iyada oo loo marayo marin-biyoodka istiraatiijiga ah. Ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan heshiiska iyo fulinta tallaabooyinka la qaaday.
Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ku dhawaaqay goor hore oo isniin ah in Mareykanka iyo Iran ay gaareen heshiis nabadeed ka dib wadahadalo xooggan.
“Kadib wadahadallo xooggan, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in la gaaray heshiiskii nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran,” ayuu Shariif ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X.
Waxa uu intaa ku daray in “labada dhinacba ay ku dhawaaqeen in si degdeg ah oo joogto ah loo joojinayo hawlgalada militari ee dhinac walba ah oo ay ku jirto Lubnaan.”
Sida uu sheegay Shariif, xafladda saxiixa rasmiga ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 19-ka bishan June dalka Switzerland.


