HomeWararka MaantaMuqdisho oo yeelatay xeerkii ugu horreeyay ee nadaafadda

Muqdisho oo yeelatay xeerkii ugu horreeyay ee nadaafadda

Sahan Media Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa saxiixay xeer cusub oo lagu maamulayo nadaafadda caasimadda, maareynta qashinka iyo ilaalinta deegaanka, iyadoo maamulka uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo bilicda iyo caafimaadka magaalada.Sahan Media Muqdisho

Xeerkan cusub ayaa noqday kii ugu horreeyay ee si gaar ah loogu dejiyo nidaamka nadaafadda Muqdisho, kadib geeddi-socod dheer oo isugu jiray daraasado sharciyeed, falanqeyn iyo wadatashiyo lala yeeshay hay’adaha dowladda, khubarada qaanuunka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda lagu saxiixayay xeerkan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka, hay’adaha garsoorka, xildhibaanno, culimo, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah.

Mas’uuliyiintii madasha ka hadlay ayaa ku tilmaamay nadaafadda tiir muhiim u ah nolosha magaalooyinka, iyagoo sheegay in dayaca deegaanka iyo qashinka aan la maareyn ay sababi karaan dhibaatooyin caafimaad iyo kuwo deegaan.

Qaar ka mid ah khudbadihii laga jeediyay munaasabadda ayaa sidoo kale xusay in qashinka loo beddeli karo khayraad dhaqaale haddii si habboon loo maareeyo, sida soo saarista tamarta iyo adeegyo kale oo faa’iido u leh bulshada.

Mas’uuliyiin ka tirsan garsoorka ayaa sheegay in xeerkan uu soo afjarayo caqabado sharciyeed oo horay u jiray, kuwaas oo adkeynayay in tallaabo laga qaado dadka ku xadgudba nadaafadda magaalada.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in laga bilaabo maanta nadaafaddu ay geli doonto marxalad cusub oo isla-xisaabtan leh, isagoo xusay in jebinta xeerarka nadaafadda loo aqoonsan doono xadgudub sharciyeed.

“Qof kasta oo ku xadgudba nadaafadda waxaa la marsiin doonaa tallaabooyinka uu xeerku dhigayo, kuwaas oo isugu jira digniin, ganaax lacageed, hakinta rukhsadaha ganacsiga iyo tallaabooyin kale oo sharci,” ayuu yiri.

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay shacabka Muqdisho iyo hay’adaha kala duwan inay door muuqda ka qaataan dhaqangelinta xeerkan, si loo helo caasimad nadiif ah oo ka tarjumaysa horumarka iyo sumcadda dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments