Sahan Media Muqdisho: Xog muhiim ah oo kasoo kordhay Masaarida gacanta ugu jirta Burcad Badeeda Soomaaliya.
Qoysaska shaqaalaha markab lagu afduubay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in rajadii laga qabay sii deyntooda ay wajahday caqabado cusub, iyadoo la sheegay in dib u dhac ku yimid bixinta madax-furasho lagu heshiiyay.
Wararka ay qoysasku bixiyeen ayaa tilmaamaya in shaqaalihii markabka ay ku jiraan xaalad bani’aadannimo oo adag kadib in ka badan 45 maalmood oo ay ku jireen gacanta burcad-badeedda. Waxay sheegeen in la haystayaashu ay la daalaa dhacayaan cunto iyo biyo yari, isla markaana ay soo food saareen cadaadis nafsi iyo mid jireed.
Sida ay qoysasku sheegeen, waxaa jiray is-afgarad dhex maray dhinacyada ku lugta leh oo ku saabsanaa bixinta madax-furasho lagu sii deynayo markabka iyo shaqaalihiisa. Hase yeeshee, hakadka ku yimid fulinta heshiiskaas ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in burcad-badeeddu beddelaan shuruudahooda ama ay dalbadaan lacag dheeraad ah.
Qoysaska ayaa ugu dambeyn ugu baaqay mas’uuliyiinta ay khusayso inay dedejiyaan dadaallada lagu soo afjarayo xiisaddan, si loo xaqiijiyo badqabka shaqaalaha markabka loona fududeeyo dib ugu laabashadooda qoysaskooda.


