HomeWararka MaantaXulka kubadda cagta gabdhaha Soomaaliya

Xulka kubadda cagta gabdhaha Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Xulka kubadda cagta gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galay taariikh cusub kadib markii ay 8-2 ku garaaceen dhiggooda Suudaan kulankoodii ugu dambeeyay ee Guruubka A ee tartanka CECAFA U-17 Women’s Championship, kaas oo ka socda magaalada Dar es Salaam.

Guushan ayaa noqotay markii ugu horreysay ee xul qaran oo gabdho Soomaaliyeed ahi uu badiyo kulan ka tirsan tartan heer gobol ah, taasoo loo arko horumar muhiim u ah kubadda cagta haweenka Soomaaliya.

Xulka Soomaaliya, oo loo yaqaan Ocean Queens, ayaa tartanka ku billowday guuldarro 4-0 ah oo ka soo gaartay martigeliyeyaasha Tanzania, ka hor inta aysan 6-0 uga adkaan Kenya kulankoodii labaad. Labadaas natiijo ayaa meesha ka saaray rajadoodii wareegga xiga.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda da’da yar ee Soomaaliya ayaa bandhig xooggan sameeyay kulankoodii ugu dambeeyay, iyagoo siddeed gool ka dhaliyay Suudaan halka laga dhaliyay laba gool oo keliya.

Inkastoo Soomaaliya ay ku hartay heerka guruubyada, haddana guusha ay ka gaareen Suudaan ayaa si weyn loogu tilmaamay guul taariikhi ah oo muujinaysa horumarka ay sameynayso kubadda cagta haweenka dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments