HomeWararka Maanta Mike Evans oo ah madaxa Hay’adda Friends of Zion ayaa yiri....

 Mike Evans oo ah madaxa Hay’adda Friends of Zion ayaa yiri….

Sahan Media Muqdisho: siyaasiin ka tirsan Isrllll ayaa yiri Somaliland waa Israa’iil-ta Afrika, Hadalkan ugu dambeeyay ayaa ka soo baxay Dr. Mike Evans, oo ah madaxa Hay’adda Friends of Zion (FOZ), xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), lagu maamuusay Billadda Sharafta Friends of Zion Award, intii uu booqashada ku joogay magaalada Qudus.

“Somaliland waa Israa’iil-ta Afrika, Madaxweyne Trump-na waa in uu aqoonsadaa,” ayuu yiri Dr. Evans, isaga oo sheegay in Somaliland ay Afrika kula dagaallamayso xagjirnimada Islaamiga ah, halka Israa’iil ay dagaalkaas ka waddo Bariga Dhexe, taas oo uu ku tilmaamay qodob labada dhinac isu ekaysiinaya.

Sidoo kale, Raysal Wasaaraha Israa’iil ayaa intii lagu guda jiray kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Cirro sheegay in Somaliland iyo Israa’iil ay ka siman yihiin in ay ku nool yihiin deegaano ay deriskoodu marar badan ku mashquulsan yihiin burburintooda iyo diidmada jiritaankooda, halkii ay xoogga ka saari lahaayeen horumarinta dalalkooda.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, warbaahinta iyo falanqeeyayaasha Israa’iil ayaa si joogto ah u adeegsanayay ereyga “Israa’iil-ta Afrika” marka ay ka hadlayaan Somaliland, arrintaas oo muujinaysa sida ay sii xoogaysanayso aragtida ah in labada dhinac ay wadaagaan xaalado siyaasadeed iyo amni oo isku dhow.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments