HomeWararka MaantaBadmaaxiin Suuriyaan ah oo ku xanniban xeebaha Soomaaliya

Badmaaxiin Suuriyaan ah oo ku xanniban xeebaha Soomaaliya

Sahan Media Muqdisho: Badmaaxiin Suuriyaan ah oo ku xanniban xeebaha Soomaaliya oo codsaday gurmad degdeg ah

Badmaaxiin Suuriyaan ah oo saaran markabka Sward, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, ayaa soo saaray baaq degdeg ah oo ay ku dalbanayaan in la soo farageliyo xaaladdooda, iyagoo sheegay inay muddo ku dhow laba bilood ku jiraan xabsi isla markaana ay gabaabsi yihiin cunto, biyo iyo daawooyin.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya xubno ka tirsan shaqaalaha markabka oo sheegay in ay yihiin 16 badmaax oo Suuriyaan ah, islamarkaana ay gebi ahaanba ka go’doonsan yihiin dunida dibaddeeda, iyagoo aan helin xiriir ama adeeg internet.

Waxay sheegeen in qaar ka mid ah shaqaaluhu ay la nool yihiin cudurro daba-dheer sida sonkorowga iyo dhiig karka, balse aysan haysan daawooyinkii ay u baahnaayeen, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo xaaladdooda caafimaad.

Dhanka kale, warar hore ayaa tilmaamay in dadaallo iyo wada-hadallo lagu doonayo sii deynta markabka iyo shaqaalihiisa ay socdaan, inkastoo aan weli lagu guuleysan in xal laga gaaro.

Markabka Sward ayaa la sheegay in lagu afduubtay bishii Abriil meel u dhow xeebta Garacad ee Soomaaliya, dhacdadaas oo dib u soo nooleysay walaaca laga qabo falalka burcad-badeednimada ee ka dhaca biyaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments