Sahan Media Muqdisho: Suudaan oo soo dhaweysay in laga saaro qodob sharci oo Mareykanka ee caqabad ku ah matalaaddeeda ka qaybgalka shirarka caalamiga ah
Suudaan ayaa soo dhaweysay go’aan ay soo saartay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka oo lagu sheegay in laga saaro qodob muran dhaliyay oo ka mid ah “Xeerka Ka-qaybgalka Mareykanka ee Nabadda Suudaan” kaas oo la doonayay in lagu sharciyeeyo matalaadda Suudaan ee ururada caalamiga ah.
Safaaradda Suudaan ee Washington ayaa ku ammaantay hoggaamiyeyaasha guddiga inay qaadeen tallaabo wax ku ool ah oo ixtiraamaysa madaxbannaanida Suudaan iyo hay’adaha dawladda ee sharciga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Khartoum waxay ku celisay walaaceeda ku aaddan isku dayga lagu doonayo in Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) la mid noqdaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), iyagoo ku nuuxnuuxsaday in ciidanka qaranku uu yahay hay’ad dastuuri ah oo mas’uul ka ah difaaca dawladda


