HomeWararka MaantaHogaamiyaha K/Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Hogaamiyaha K/Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Sahan Media Muqdisho: Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa Isniintaan maanta ah dib ugu laabtay magaalada Baydhabo kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Intii uu ku sugnaa caasimadda, Hogaamiye Madoobe ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socday beesha caalamka, sidoo kale waxa uu wareejiyay xilkii gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo uu hayay inta aan loo dooran hogaamiyaha K/Galbeed Somalia.

Screenshot

Sida lagu sheegay wararka la xiriira booqashada, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta mashaariicda horumarineed, iyo sidii loo wanaajin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee laga hirgelinayo deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo taageero horumarka iyo adeegyada bulshada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Screenshot
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments