HomeWararka MaantaYuhudda oo maraakiibta quusta gaynaysa dakadda Barbara

Yuhudda oo maraakiibta quusta gaynaysa dakadda Barbara

Sahan Media Muqdisho: Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ajaanib ah, Israa’iil ayaa si firfircoon u raadinaysa in ay ciidamo badda iyo kuwa milatariga ka dhisto dekedda Berbera ee Somaliland.

Inkasta oo hoggaanka Somaliland si cad u soo dhoweeyeen gelitaanka Israa’iil ee dekedaheeda iyo sidoo kale maalgashiga Israa’iil, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in maraakiibta Dolphin-ka ee Israel ay si joogto ah u deggan yihiin ama si joogto ah halkaas loo geynayo. Xiisaha istiraatijiyadeed ee joogitaanka Geeska Afrika waxa dabada ka riixaya dhawr arrimood.

Isla markiiba ka dib markii ay abuurmeen xiriir rasmi ah, labada dhinacba waxay sii qoto dheereeyeen xiriirkooda, taas oo u gogol xaareysa ballaarinta iskaashiga milatari iyo badda.

Ilo-wareedyo Israel ka tirsan ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan wararka ay baahiyeen Warbaahinta Shisheeye, balse waxay xuseen in Dekedda Berbera ay si toos ah uga soo horjeeddo Yemen. Tani waxay ka dhigaysaa meel aad u faa’iido badan oo lagala socon karo dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo Iran ee gacanka Cadan iyo koonfurta badda cas.

Maraakiibta quusta ee uu Jarmalku sameeyay (Dolphin) ee ay maamusho Israa’iil ayaa awood u leh in ay geeyaan noocyada kala duwan ee gantaallada. Waxa xusid gaar ah leh gantaallada ay Israa’iil samaysay ee Popeye Turbo cruise missiles, kuwaas oo laga soo tuuri karo maraakiibta quusta (Submarine-Launched Cruise Missiles, ama SLCMs). Gujisyadaas oo baaxdooda waxaa lagu qiyaasay inay gaarayso ugu yaraan 1,500 kiiloomitir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments