HomeWararka MaantaKenya oo ciidamo cusub u soo daabulaysa Somalia

Kenya oo ciidamo cusub u soo daabulaysa Somalia

Sahan Media Muqdisho: Kenya ayaa soo gabagabeeysay tababar adag oo ka dhacay Dugsiga Ciidanka Lugta ee Isiolo, kaas oo loogu diyaarinayay askar loo dirayo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Tababarka ayaa diiradda lagu saarayay diyaar-garowga dagaalka, ilaalinta ciidamada iyo iskaashiga shacabka iyo militariga. Ciidamada ayaa lagu tababaray xaalado adag oo u eg kuwa ay la kulmi doonaan marka ay ka hawlgalaan Soomaaliya.

Saraakiisha difaaca Kenya ayaa sheegay in la sameeyay hawlgallo tijaabo ah oo lagu matalayay xaaladaha dhabta ah ee ka dhici kara goobaha howlgalka, si loo xoojiyo awoodda askarta ee go’aan qaadashada degdegga ah iyo la tacaalidda xaaladaha amni ee isbeddelaya.

Sidoo kale, tababarka ayaa xoogga saaray kor u qaadista xirfadaha dagaalka iyo awoodda ciidamada ee ka jawaabista khataraha amni ee degdegga ah, iyadoo askarta lagu barayay sida ay ula qabsan karaan xaaladaha adag ee ka jira goobaha colaadaha ee Soomaaliya.

KDF waxay sidoo kale qabatay tababaro ku saabsan wada-shaqeynta ciidamada ka socda dalalka kale ee qaybta ka ah AUSSOM, si loo hubiyo in ciidamada kala duwan ay si hufan ugu wada shaqeeyaan howlgalka nabad ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado amni iyo siyaasadeed oo waaweyn, iyadoo kooxda Al-Shabaab ay sii waddo weerarro ka dhan ah ciidamada dowladda, kuwa caalamiga ah ee ku sugan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments