HomeWararka MaantaAFRICOM oo sheegtay in 67 duqaymo ka badan ay ka gaysteen Somalia

AFRICOM oo sheegtay in 67 duqaymo ka badan ay ka gaysteen Somalia

Sahan Media Muqdisho: Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in uu afar weerar oo cirka ah ka fuliyay Soomaaliya intii u dhaxeysay 14-ka illaa 19-ka Juun, isaga oo sheegay in duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeedyo ay AFRICOM soo saartay ayaa lagu sheegay in weerarradu dhaceen 14, 16, 18 iyo 19 Juun, hase yeeshee talisku ma uusan shaacin goobaha saxda ah ee lagu qaaday ama tirada khasaaraha ka dhalatay, isagoo ku sababeeyay arrimo la xiriira amniga hawlgallada.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Danab ay 14-kii Juun howlgal ka fuliyeen koonfurta dalka, kaas oo ay ku sheegeen in lagu dilay 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Lama xaqiijin in howlgalkaasi uu la mid yahay duqeynta ay AFRICOM ku dhawaaqday isla maalintaas.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in tan iyo billowgii sanadkan, Mareykanku uu kordhiyay weerarrada cirka ee uu ka fulinayo Soomaaliya, iyadoo AFRICOM ay sheegtay in ugu yaraan 67 duqeyn la diiwaangeliyay sannadkan.

Duqeymihii ugu dambeeyay ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalado siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin murannada la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments