HomeWararka MaantaDowladda Federaalka Soomaaliya oo bilowday wejiga daraasadda waddada Galkacyo–Hobyo

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilowday wejiga daraasadda waddada Galkacyo–Hobyo

Sahan Media Muqdisho: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday qandaraaska daraasadaynta iyo naqshadaynta qaybta Galkacyo–Elguula ee waddada Galkacyo–Hobyo, taas oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir.

Qandaraaskan ayaa khuseeya diyaarinta daraasadaha farsamo, naqshadaha injineernimada, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo dukumentiyada loo baahan yahay ka hor inta aan la guda gelin dhismaha waddada.

Munaasabadda saxiixa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Galmudug, kuwaas oo ku tilmaamay mashruucan mid muhiim u ah horumarinta isku socodka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in mashruucu uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, isla markaana dowladda ay ka go’an tahay inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo hirgeliyo.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay tallaabada lagu bilaabay daraasadda mashruuca, isagoo ku tilmaamay waddada Galkacyo–Hobyo mid door weyn ka qaadan karta isku xirka gobollada, fududeynta ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Mashruuca ayaa qeyb ka ah Barnaamijka Horumarinta Kaabeyaasha Waddooyinka Soomaaliya (RIPSOM), waxaana taageeraya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Midowga Yurub (EU), iyadoo la filayo in marka la dhameystiro uu sare u qaado isku xirnaanta iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee bartamaha Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments