Sahan Media Muqdisho: Sarah Khalif, oo ah haweeney asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa loo magacaabay inay noqoto mas’uulka cusub ee daryeelka bulshada, samafalka iyo arrimaha la xiriira ee magaalada Leuven ee dalka Belgium, iyadoo xilka si rasmi ah ula wareegi doonta 1-da Janaayo 2027.
Waxay beddeli doontaa Bieke Verlinden, oo qorsheynaysa inay sii waddo shaqadeeda xubinnimada Baarlamaanka Flemish-ka.
Sarah Khalif ayaa markii ugu horreysay loo doortay golaha deegaanka Leuven sanadkii 2019, xilligaas oo ay jirtay 21 sano oo keliya. Kadib, waxaa mar kale dib loogu doortay isla golaha doorashadii deegaanka ee dhacday 2024.
Iyadoo ka hadleysa xilka cusub, Sarah waxay sheegtay inay bilaha soo socda xoogga saari doonto barashada iyo fahamka qotada dheer ee arrimaha daryeelka bulshada iyo samafalka, si ay ugu diyaar garowdo masuuliyadda loo igmaday.
Sarah, oo ku kortay magaalada Leuven, ayaa xustay in tan iyo yaraanteedii ay si joogto ah uga qayb qaadan jirtay howlaha bulshada iyo barnaamijyada carruurta ee xaafaddeeda. Waxay sidoo kale muujisay inay rumeysan tahay in qof kasta uu xaq u leeyahay taageero iyo garab istaag marka uu la kulmo duruufo adag.
Duqa magaalada Leuven, Mohamed Ridouani, ayaa ku ammaanay Sarah inay tahay xubin gole deegaan oo khibrad iyo aqoon u leh maamulka magaalada iyo arrimaheeda siyaasadeed.
Dhankeeda, Bieke Verlinden ayaa sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto Sarah Khalif, iyadoo tilmaamtay inay iska kaashan doonaan sidii xil wareejinta loogu qaban lahaa si habsami leh kahor bisha Janaayo 2027.


