HomeWararka MaantaCabdikariin Iidle oo lagu qabtay Muqdisho laguna celinayo Mareykanka

Cabdikariin Iidle oo lagu qabtay Muqdisho laguna celinayo Mareykanka

Sahan Media Muqdisho: Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu xiray Cabdikariin Iidle, oo lagu eedeeyay inuu door hoggaamineed ku lahaa musuqii ballaarnaa ee barnaamijka “Feeding Our Future”, kaas oo lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo doollar xilligii safmarka COVID-19.

War ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Cabdikariin Iidle la qabtay intii lagu jiray howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA), kaddib markii uu baxsad ahaa muddo ka badan afar sano.

Xeer Ilaaliyaha Federaalka ee gobolka Minnesota, Daniel Rosen, ayaa sheegay in Iidle uu ahaa shaqsi muhiim ah oo kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hirgelinta qorshaha lagu dhacay lacagihii loogu talagalay quudinta carruurta.

Dacwad-oogeyaashu waxay ku eedeeyeen inuu qaatay ku dhowaad shan milyan oo doollar oo laaluush iyo lacag sharci darro ah, isagoo ganacsato ku dhiirrigeliyay inay gudbiyaan dukumiintiyo been abuur ah si ay u helaan lacago magdhow ah oo ka imanayay Waaxda Waxbarashada ee gobolka Minnesota.

Eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah khiyaano maaliyadeed, laaluush, lacag dhaqid iyo shirqool.

Mas’uuliyiinta FBI-da ayaa sheegay in xariggiisa uu muujinayo in dadka lagu eedeeyo dambiyada waaweyn aysan ka baxsan karin gacanta sharciga Mareykanka, xitaa haddii ay ku sugan yihiin dalal kale.

Kiiska “Feeding Our Future” ayaa loo arkaa musuqii ugu weynaa ee la xiriira lacagihii gurmadka COVID-19 ee Mareykanka. Ilaa hadda waxaa dacwad lagu soo oogay 79 qof, iyadoo 66 kamid ah ay qirteen dambiyada ama lagu helay maxkamad.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments