Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadnaha ee caasimada Garoowe oo si casri ah loo dhisay iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe oo iyana loogu magac daray AHUN Gen. Qalyare oo ka mid ahaa sariikiishii ku shahiiday Howlgalka Calmiskaad .
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta Waddooyinka casriga ah ee Caasimadda oo qeyb ka aheyd Qorshaha Dowladda ee horumarinta dalka, wuxuuna ku bogaadiyey maamulka degmada Garoowe iyo Mayorka caasimadda Cabdulqaadir Geeddi shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Munaasabadda galabta , waxaa ka qaybgalay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, maamulka gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe , Guddiga Horumarinta Degmada, Injineerada dhismeyaasha fuliyey, Ganacsatada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada Garoowe .


