HomeWararka MaantaCali Guudlaawe: JSP wali ima sharrixin laakin anigu musharrax ayaan ahay

Cali Guudlaawe: JSP wali ima sharrixin laakin anigu musharrax ayaan ahay

 Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa sheegay inuu yahay musharrax u taagan doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, isagoo xusay inuu ka tirsan yahay xisbiga Justice and Solidarity Party (JSP).

Wareysi uu bixiyay ayuu Cali Guudlaawe ku sheegay inuu si rasmi ah isu sharaxay, balse ay weli harsan tahay marxaladda uu xisbigu ku soo xulayo musharraxiintiisa rasmiga ah.

“Musharrax ayaan ahay, waxaana ka tirsanahay xisbiga JSP,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in go’aanka kama dambaysta ah ee xisbiga ee musharraxa uu imaan doono marka la gaaro waqtigiisa.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu soo dhoweynayo dhammaan axsaabta siyaasadeed ee doonaya inay ka howlgalaan deegaannada Hirshabeelle, isla markaana uu diyaar u yahay inay xafiisyo ka furtaan maamulka.

Isagoo farriin u diray shacabka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada iyo taageerada horumarka maamulka, isagoo xusay in xilalka siyaasadeed ay yihiin kuwo is beddela, halka horumarka Hirshabeelle uu yahay mas’uuliyad wada saaran bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu dhageysto talooyinka, cabashooyinka iyo fikradaha shacabka, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo horumarinta dowlad-goboleedka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments