Sahan Media Muqdisho: Muhoozi Kainerugaba, oo ah madaxa militariga Uganda ahna wiilka uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay sii kordhayaan culayska warbaahinta, isagoo amar ku bixiyay in la xiro siyaasiyiin, madax u dhaqdhaqaaqda xorriyada, hadda warbaahinta ayaa la xiray.
“NTV iyo Moniter (sic) waa la xirayaa laga bilaabo maanta!” Kainerugaba ayaa ku soo qoray baraha bulshada ee X, isaga oo tixraacaya NTV Uganda iyo Daily Monitor, oo labaduba ka tirsan Kooxda Warbaahinta Qaranka.
“Uganda, anigu ma aaminsani saxafada xorta ah! ayuu yiri, shaqada Saxafada waa in ay hagaan kaadiriinta kacaanka,” ayuu raaciyay.
Wargayska The Daily Monitor ayaa ku qoray X in ay ku jirto “go’doomin militari”, iyadoo askar hubeysan ay waardiye ka yihiin bannaanka xafiisyada uu ku leeyahay caasimadda Kampala.
Xarumaheeda kale, oo ay ku jiraan Dembe FM, Spark TV, KFM, iyo The East African, ayaa sidoo kale la hareereeyay.
“Waxaa na xiray militariga oo ku suganaa Istuudiyaha TV-ga iyo xafiisyada labadaba…Ma jirto cid loo ogol yahay in ay soo gasho ama ka baxdo, kuwii xalay shaqeeyay waxaa ciidamada amar lagu siiyeen in ay ka baxaan,” ayuu yiri wariye sare oo ka tirsan NTV oo la hadlay AFP oo diiday in magaciisa la shaaciyo.
Idaacadaha ayaa hawada ka baxay saacadihii hore ee Axada, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay ku warantay in baahinta la baahiyay fariinta in hawada ay kabaxaan: “Muqaal aan la heli karin”.
Kainerugaba ayaa ku xaqiijiyay X in awaamiirta uu ogolaaday Aabihii, oo Uganda xukumayay 40 sano.


