HomeWararka Maanta Dowladda oo markii ugu horreysey adeegsatay diyaaradda F-16 kuna duqaysay Alshabaab.

 Dowladda oo markii ugu horreysey adeegsatay diyaaradda F-16 kuna duqaysay Alshabaab.

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay adeegsatay diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkiga, si ay u beegsato fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ugu yaraan 35 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka in ka badan 20 kalena lagu dhaawacay, waxaana bartilmaameedka lagu sheegay godad, kayd hub iyo goobo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in duqeynta kaddib ay goobta ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo is xigay, kuwaas oo ay ku macnaysay inay caddeyn u yihiin jiritaanka bakhaarro lagu kaydinayay hub, walxaha qarxa iyo saanad ciidan, waxaana dowladdu sheegtay in halkaasi ay yaalleen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo la qorsheynayay in lagu fuliyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Dowladda Federaalka ee khasaaraha ka dhashay duqeyntan, mana jirto ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay tirada dhimashada iyo burburka la sheegay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments