HomeWararka MaantaWalxaha maanka dooriya oo lagu gubay Muqdisho:

Walxaha maanka dooriya oo lagu gubay Muqdisho:

Sahan Media Muqdisho: Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay fagaare ku gubeen dawooyin mamnuuc ah oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho, kaddib markii uu soo dhammaaday habraacii sharciga ahaa isla markaana maxkamaddu amartay in la gubo.

Afhayeenku wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay howlgalka lagula dagaallamayo waxa uu ku tilmaamay “dhaqan xumo”, isagoo xusay in bulshada Soomaaliyeed marar badan la is weydiin jiray in dawooyinka la qabto la gubo iyo in kale, isla markaana maanta si muuqata loo fuliyay amarkii maxkamadda.

Sida uu sheegay, dawooyinka la qabtay ayaa si farsamaysan loogu qariyay konteenar, waxaana qaybta hore lagu soo bandhigay dawooyin ay ka mid yihiin amoxicillin, paracetamol iyo faleembo, si loogu qariyo dawooyinka mamnuuca ah ee lagu dhex qariyay, kuwaas oo uu sheegay inay isugu jireen tramadol, “bilibili” iyo “225”.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada ilaalinta canshuuraha, dhaqaalaha iyo amniga Dekedda Muqdisho ay ka shakiyeen konteenarka, kadibna baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay, taas oo horseeday in la helo dawooyinka mamnuuca ah.

Wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka waantoobaan soo dejinta dawooyinka noocan ah, isagoo sheegay in hantida lagu bixiyo ay bulshada u horseedayso dhibaato. Waxa uu sheegay in qiimaha dawooyinka la gubay uu ku dhowaa 20 kun oo doolar, isagoo ku eedeeyay dadka soo dejiyay inay doonayeen inay waxyeelleeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments