HomeWararka MaantaShabakada Wasaaradda A Dibadda iyo kan Bangiga Somaliland yaa jabsaday?

Shabakada Wasaaradda A Dibadda iyo kan Bangiga Somaliland yaa jabsaday?

Sahan Media Muqdisho: Cyber Islamic Resistance, ayaa jabsatay shabakada rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, iyaga oo bogga ku baahiyey sawirro ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo uu ku jiro afhayeenkooda, Yaxye Sariic.

Website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa waxaa jabsaday koox isku magacawday “Iska caabinta Islaamiga ah ee Internetka,” kuwaas oo soo dhigay sawirro hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta oo uu ku jiro Yahya Saree.

Website-ka Bangiga Dhexe ayaa sidoo kale la bartilmaameedsaday. kana mid ah goobaha laga saaray khadka si loo baaro. Tani waxay ka dambeysay aqoonsiga Israa’iil ee hanjabaadaha Somaliland iyo Xuutiyiinta.

Illaa hadda, xukuumadda Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda midkoodna kama hadlin dhacdada, mana jiro war rasmi ah oo lagu xaqiijinayo cidda ka dambaysay weerarka ama sida ay suurtogashay in lagu galo shabakada wasaaradda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay muddooyinkii u dambeeyay kooxda Xuutiyiintu si isdaba joog ah u soo saarayeen hanjabaado ay ku beegsanayaan Somaliland, iyaga oo ka cadhaysan xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro wax caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in kooxda ka dambaysay jabsiga shabakada ay yihiin Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta, oo si rasmi ah loogu yaqaan dhaqdhaqaaqa Ansar Allah, ayaa ah koox hubaysan oo ka dagaallanta dalka Yemen. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa, waxay weerarro la beegsadeen maraakiibta Badda Cas iyo badrtilmaameedyo ku yaalla Israa’iil, iyaga oo sheegay inay taageerayaan Falastiiniyiinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments