Sahan Media Muqdisho: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa si adag uga jawaabay warbixin ay soo saartay hay’adda International Crisis Group (ICG), taas oo ka digtay in Al-Shabaab ay 2025 sameysay horumarro milatari oo dib u celiyay guulihii ay dowladda Soomaaliya sheegatay labadii sano ee la soo dhaafay.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu Cali Balcad ku sheegay in ay “caado noqotay” in qaar ka mid ah goobaha siyaasadda lagu sawiro Soomaaliya sidii dal si joogto ah u fashilmay, isla markaana aan awood u lahayn inuu iskiis u maareeyo amnigiisa, dib u dhiso hay’adihiisa, ama si wax ku ool ah isu maamulo.
Wuxuu sheegay in sheekadaas ay tahay mid “aan dhammaystirnayn oo aan caddaalad ahayn,” isaga oo xusay in dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku hawlan tahay saddex arrimood oo uu ku tilmaamay kuwa ugu adag ee dowlad daciif ah wajihi karto: la-dagaallanka Al-Shabaab, dhismaha ciidamada amniga qaranka, iyo dib-u-eegista dastuurka oo uu ku sheegay aas-aaska doorashooyin sharci ah iyo dowlad dhisan.
“Ma jiro khabiir dhab ah oo ku takhasusay dib-u-dhiska dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo dhamayn kara ” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay isku mar u wajahday dhammaan caqabadahaas “iyadoo dagaal ku jirta isla markaana ay saameynayaan kheyraad yaraanta.”
Waqti sii horeeyay, ICG ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ay sanadkan 2025 sameysay hormarro militari oo la taaban karo, taas oo meesha ka saartay guulo ay dowladda Soomaaliya sheegatay labadii sano ee ka horreysay.
ICG waxay sidoo kale ka digtay in kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ay kordhinayaan cabsida ah in dowladda Soomaaliya ay wajahdo cadaadis sii xoogeysanaya oo mustaqbalka khatar gelin kara jiritaankeeda.


