HomeWararka MaantaMarkab kale oo lagu afduubtay xeebaha Yemen

Markab kale oo lagu afduubtay xeebaha Yemen

Sahan Media Muqdisho: Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow dekedda Yemen ee Hodeidah.

Sida laga soo xigtay warbixinta hay’addan ciidamada badda ee Ingiriiska, markab xamuul ah oo 30 mayl badeed koonfur-galbeed ka xiga dekedda Hodeidah ayaa gudbiyay farriin isaga oo codsanaysa gargaar, isagoo sheegay in ay bartilmaameedsadeen weeraryahanno aan la garanayn.

Ururku wuxuu sheegay in mas’uuliyiintu ay baarayaan dhacdada, isla markaana loo digay rakaabka doonta inay si taxaddar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.

Dhinaca kale, dowladda Yemen, oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in 14 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Xuutiyiinta oo ku yaal koonfurta dekedda Hodeidah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments